Shuruudaha & Xeerarka

1. Hordhac

Ku soo dhawoow korodhsoaqoon, oo ah madal waxbarasho oo bixisa koorsooyin iyo ilo waxbarasho. marka aad isticmaalayso madasheena waxa kugu waajib ah in aad raacdo oo aad ogolaato shuruudaha iyo xeerarka soo socda:

 

2. Account ka Adayga

  1. User account kasta waa in uu isticmaalaa hal qof oo isticmaala oo kaliya, waa mamnuuc in la wadaago hal account.
  2. Ardayga waa loo ogolyahay in uu samaysto wax ka badan hal account hadii uu u baahdo, balse hal account waxa isticmaali kara ardayga sameeyay oo kaliya.

 

3. Koorsooyinka

  1. Ardaygu waa in uu iska diiwaangaliyaa koorsooyinka si uu u helo casharada koorsada.
  2. Marka uu ardaygu isdiwaangaliyo waa in u bixiyo feega koorsadaa uu rabo in uu iska diiwaangaliyo.
  3. Koorsada waxa soo gali kara qofka iska diwaangaliyay uun, lamana ogola in la wadaago.
  4. Ardayga dhameeya koorsada waxa la siinayaa shahaado cadaynaysa in uu ardaygaasi dhameeyay koorsadaa.

4. Caawimaada

  1. Ardayga waxa laga caawinayaa wixii cilad ah ee kaga yimaada dhanka madasha, sida hadii uu gali kari waayo account kiisa iwm.
  2. Wixii caawimaad ah waxa aad la soo xidhiidhasaa WhatsApp ka +252634675961 ama [email protected].