MS PowerPoint 2013-2019

Lifetime
All levels
29 lessons
0 quizzes
70 students

PowerPoint waa mid ka mid ah barnaamij yada shirkada Microsoft ay soo saarto, waxaana uu ka tirsan yahay Barnmaajiyada Office Ka.

PowerPoint waxaa loo isticmaalaa in lagu diyaarsado laguna soo jeediyo Presentations ka.

Yaa isticmaala?

Barnaamijkan waxaa isticmaala ardayda oo ku diyaarsha presentations ka, Macalimiinta oo u isticmaala in ay wax ku dhigaan, Laamaha dowlada iyo xafiisyada oo u isticmaala in ay ku muujaan wax qabadkooda, waxa ay rabaan, iyo wax kasta oo ay rabaan in ay soo bandhigaan.

Maxaan ku baranayaa koorsadan?

 

  1. sida loo isticmaalo tools ka software ka iyo mid walba iyo waxa uu qabto.
  2. sida loo soo galiyo presentation kaaga sawir, shaxan, garaaf, iyo shay kasta ood rabto.
  3. sida aad u qurxin laheed waxa aad soo galisay.
  4. sida loo isticmaalo themes/designs/templates (naqshadaha).
  5. sida design wax looga badalo ama loo sameeysto mid aad adigu iska leedahay.
  6. sida loo isticmaalo Transitions ka iyo waliba Animations ka
  7. sida loo habaysto slides kaaga.
  8. sida loo diyaarsho Presentation ama bandhig qurux badan.
  9. sida loo isticmaalo daaqada Presenter view.

Intaas aan xaga sare ku soo xusnay iyo qaybo kale oo muhiim ah ayaan ku baran doonaa koorsadan.

maxaa laga rabaa qofka baranaya?

  1. In uu heli karayo Internet xawaarihiisu dhexdhexaad yahay.
  2. In uu heli karayo Computer uu practical ka ku sameen karo
  3. In ay ka go’an tahay in uu barto.
  4. In uu is Enroll gareeyo Koorsada.
  5. In uu  u daawado casharadu sida ay iskugu xigaan
  6. In uu Practice sameeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *