Korodhso Aqoon

MS Word 2013-2019

About Course

Word waa software loo isticmaalo in lagu qorto shay kasta oo qoraal la xidhiidha, Buugaagta, Joornaalada, Assignments ka, CV (resume), warbixinaha , IWM.

Waxa isticmaala Ardayda, Macalimiinta,Qoraayaasha, Joornaalada, shirkadaha iyo dadka kale ee caadiga ah.

Hadii aad si fiican u barato barnaamijkan waxaa aad diyaarin kartaa document kasta oo aad u baahato.

 

Qaar ka mid ah waxyaabaha aan ku baran doono:

waxaa aad koorsadan ku baran doontaa:

  1. Waxyaabaha aad ku qabsan karto ee uu awooda u leeyahay barnaamijkani.
  2. sida loo isticmaalo dhamaan Tools ka uu leeyahay barnaamijkani.
  3. sida wax loogu qoro, loona qurxiyo waxaa aad qortay.
  4. siyaabha loo save gareeyo file kaaga, loona soo furo.
  5. sida loo soo galiyo document kaaga sawir, table, SmartArt graphic, chart Iyo sidii aad u qurxin laheed dhamaan.
  6. Sida loo isticmaalo header& footer iyo waliba page numbers.
  7. sida wax looga badalo Design ka pages ka document kaaga(Page color, Page borders, Watermark)
  8. sida si fudud loogu sameeysto table of content (tusmada buuga).
  9. Sida wax looga badalo Layout ka Pages ka document kaaga
  10. Sida loo isticmaalo amarada ku jira Review iyo View tab.
  11. Sida loo daabaco document, loona badbadalo settings ka shayga aad daabacaso.
  12. iwm

waxaa aad koorsadan ku barani dhamaan amaradaas aan xaga sare ku soo xusnay iyo waliba qaar kale oo badan.

maxaa laga rabaa qofka baranaya?

  1. In uu heli karayo Internet xawaarihiisu dhexdhexaad yahay.
  2. In uu heli karayo Computer uu practical ka ku sameen karo
  3. In ay ka go’an tahay in uu barto.
  4. In uu is Enroll gareeyo Koorsada.
  5. In uu  u daawado casharadu sida ay iskugu xigaan
  6. In uu Practice sameeyo.
Show More

Course Content

Section 1: Hordhac / Introduction

  • Casharka 1aad: Introduction about MS office word and the entire course
  • La soo Dag Microsoft Office programs (Office 2013, Office 2016 iyo Office 2019)
  • La dag Presentation file ka

Section 2: Baro Hababka kala duwan ee word loo soo furo iyo Environment kiisa

Section 3: Samee files, save garee, soo fur marka aad u baahato

Section 4: Baro sida wax loogu qoro word , loo qurxiyo waxa aad ku qoratay, iwm

Section 5: Habee qoraalkaaga, baro sida loo isticmaalo list, find and replace iwm

Section 6: Isticmaal Pictures, tables, Shapes, Charts, Graphs, Headers & footers and other graphics

Section 7: Design, Layout, Reference (table of content), review and Print settings